TOP DHAGEYSO:- Amar culus oo lagu soo rogay Macalimiinta dugsiyadda Boondheere

0

Qaar ka mid ah macalimiinta dugsiyada qur’aanka ee ku yaalla degmada Boondheere ayaa cabasho ka muujiyay amaro ka soo baxay Maamulka degmada.

Amarada la dul dhigay macalimiinta ayaa waxaa ka mid ahaa in macalin walbo uu soo cadeeyo lahaanshaha dhulalka ay ku yaalaan dugsiyada qur’aanka ee degmadaasi.

Sidoo kale macalimiinta ayaa waxaa lagu amray iney ka guuraan hadii ay keeni waayaan qof cadeynaya lahaanshaha dhulalka ay ku yaallaan dugsiyada ay masuulka ka yihiin.

Qaar ka mid ah macalimiintaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xarunta degmada Boondheere ka dibna la dul dhigay amaro.

Waxa ay sheegeen in aysan fulin Karin amarada la dul dhigay isla markaana ay ku adag tahay.

Waxa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan cabashadooda iyo amarada la dul dhigay.

Dhanka kale Wasaarada diinta iyo arrimaha awqaafta ayaa ka hadashay cabashada macalimiinta iyo amarada ka soo baxay Maamulka degmada boondheere.

Agaasimaha diinta iyo arrimaha awqaafta ee Wasaarada Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dugsiyada qur’aanka laga Maamulo Wasaaradda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO