Munaasabad Loogu Dabaal Dagayo Sanada Guurada 3 Aad Ee Maamuka Koonfur Galbeed Oo Ka Dhacday Lafoole

0

Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, laguna qabtay deegaanka Lafoole ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ugu horreeyaan madaxda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu horreyn waxaa Munaasabadda hadal ka jeedisay Ayaan Xasan guddoomiyaha deegaanka Lafoole , taas oo sheegtay in Xafladani ay tahay mid loogu dabaal dagayo 3 sano guuradii ka soo wareegtay Aas Aaska Maamuka Koonfur Galbeed.

Waxaana ay tilmaamtay in madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan mudadii uu xilka hayay ee 3 Sano ahayd uu wax badan ka qabtay deegaanada Maamulkaasi.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in hanaanka federaalka ee guud ahaan Dalka kana hana qaaday uu yahay mid loogu adeegayo deegaanada Dalka.

Waxaana uu sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray deegaanada Maamulkaasi.

Ugu dambeyn Cali Nuur Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka in ay kala shaqeeyaan Maamulka sugida Ammaanka, si looga hortago wax kasto oo khatar ku ah ammaanka deegaanada Maamulkaasi.