Madaxweyne Siilaanyo oo si kulul uga hadlay khilaafka doorashada Soomaaliland

0

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland  Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliland oo 13 kii bishan ka dhacday deegaanada Maamulkaasi.

Siilaanyo ayaa sheegay in 1642 goobood ay si Nabad galyo ah uga dhacday Codeynta doorashada Soomaaliland, isalamarkaana Hambalyo iyo bogaadin ay ka heleen Caalamka intiisa kale.

Sidoo kale Madxweyne Siilaanyo ayaa tilmaamay in Soomaaliland ay ku tallaabsatay waqtigan hormar la tabaan karo, marka la’eego qaabka ay u dhacday doorashada Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlayay rabshadihii dhawaan ka dhacay deegaanada Soomaaliland ayaa ku eedeeyay mid ka mid ah Xisbiyada Siyaaasadeed ee Maamulkaasi oo uu tilmaamay in uu hor dhacay Natiijada Doorashada.

Waxaana uu ugu baaqay shacabka in ay isdajiyaan ,islamarkaana aysan sameyn wax dabaal dag ah tan iyo inta si rasmi ah looga dhawaaqayo Natiijada doorashada Soomaaliland.

Hadalkan ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliland ayaa imaanaya, xilli weli aan lagu dhawaaqin Natiijada doorashda madaxtinimada ee Maamulkaasi.