Guddiga doorashada Soomaaliland iyo Xisbiga Wadani oo kulan ku yeeshay hargeysa

0

Guddiga doorashada madaxtinimada Maamulka Soomaaliland ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed “Cirro” kadib markii uu cabasho ka keenay tirinta Codadka doorashada oo haatan ka socota deegaanada Soomaaliland.

Waxaana ay si qoto dheer uga hadleen arrimhaha doorashada, gaar ahaan tabashada Xisbiga Wadani , iyagoo kulankaasi heshiis dhab ah uga gaaray muranka ka yimid tirinta Codadka deegaanada qaar Maamulkaasi Soomaaliland.

Guddoomiyaha guddiga doorashada C/qaadir Iimaan warsame oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay is afgarteen Guddiga iyo Xisbiga Wadani, islamarkaana xal laga gaaray cabashada ka timid Xisbigaasi.

Waxa uu sheegay in ay isla arkeen Buuka Codeynta, islamarkaana uu ku qancay guddoomiye Cirro oo ka mid ah musharraxiinta ku loo lamaya Doorashadaasi.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Maxamed “Cirro” guddoomiyaha Xisbiga Wadani oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aamadan .

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Guddigu ay is afgarteen, islamarkaana ay soo dhaweynayaan qaabka ay wax u socdaan .

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Xisbiga Wadani uu ka hor yimid doorashada Soomaaliland, islamarkaana dhaliil u jeediyay Guddiga doorashada Maamulkaasi.

Waxaana weli deegaanada Soomaaliland ka socda tirinta Codadka oo ay ku loolamayaan, Xisbiyada Kulmiye UCID iyo Wadani.