TOP NEWS:-Gawaari iyo Rag laga shakiyay oo lagu qabtay Luuq

0

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa howlgallo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha ammaanka ee Gobolkaasi ayaa sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka, islamarkaana ciidamadu ay ka wadaan Degmada Luuqa iyo deegaanada ku teedsan.

Howlgalladan ayaa ciidamadu waxa ay ku soo qabteen laba Gaari iyo Rag la socday oo looga shakisanayahay in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhinac amniga ee Maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji ayaa sheegay in haatan baaritaano ay ku socdaan Raggaasi iyo Gawaarida la qabtay.

Waxaana uu bogaadin u diray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee howgallada ka wada Gobolkaasi.

Deegaano ka tirsan Gedo ayaa waxaa gacanta ku haya Al Shabaab oo had iyo jeer weeraro ku qaada Saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolkaasi.