Qaramada Midoobay Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed

0

Dowladda Soomaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan  dhinaca c aruurta ee UNICEF ayaa ka dooday xoojinta sharciga xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed, si ay u helaan xuquuqdooda oo dhameystiran.

Sharciga xuquuqda caruurta ayaa ah mid Caruurta siinayo xuquuqda ay leeyihiin, sida lagu sheegay Axdiga xuquuqda Caruurta ee Caalamka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha  ee Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo madaxa koonfurta iyo bariga Afrika ee hay’ada UNICEF Leila Pakkala ayaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga hadlayeen, sidii Caruurta Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen Mustaqbal wanaagsan.

Deeqo Yaasiin ayaa xustay in Caruurta Soomaaliyeed ay wajaheen dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Colaado, Abaaro iyo arimo kale oo saameyn weyn ku yeeshay, iyadoo intaasi ku dartay in ay hada xaq u leeyihiin in ay helaan Waxbarasho iyo Nolol wanaagsan.

Leila pakkala oo ka socotay hay’adda Caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in Canug kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyaha, sida kuwa kale ee Dalalka Caalamka.

Ugu dambeyn Pakala ayaa xustay in ay Kalsooni ku qabto in ka mid ahaanshaha Soomaaliya ee sharciga xaquuqda Caruurta uu suura gelin doono in ay Caruurta Soomaaliyeed ay heli doonaan waxyaabo badan oo ka maqnaa.