Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in laga taageero dagaalka Daacish

0

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhado” ayaa ka hadlay howlgallada ciidamada Maamulka Puntland ay ka wadaan Gobolka Bari.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in lag wada qeyb qaato dagaallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano ka tirsan Maamulkaasi.

Guddoomiye Dhado ayaa Sidoo kale ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Kooxda Daacish oo ku suqan Buuraleyda Galgala.

Hadalkan ka soo baxay Puntland ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan diyaaaradaha Mareykanka ee duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Daacish.