Kooxo hubeysan oo xalay Qof Rayid ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho

1

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay Degmada Yaaqshid  ku dilay Nin Magcaabi jiray Maxamed Yuusuf Cali, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in Garaash uu ku lahaa inta u dhaxeysa Xaafadaha Carafaat iyo Towfiiq Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Yaaqshid oo ku aadan dilkaasi.

Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoona shalay Ruux shacab ahaa lagu dilay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir

Comments are closed.