4; Weerar oo xalay ka dhacday Degmada Yaaqshid.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xalay kaliya ay ka dhacday 4 Weerar oo ay geysteen rag hubeysan oo Al-Shabaab loo maleynayo.

Weeraradan ayaa isugu jiray; Bambaanooyin, Dagaal toos ah iyo Toogasho loo geysanayay dadka deegaanka, sida ay soo sheegayaan dadka ku Nool xaafadaha Degmada Yaaqshid.

Weerarka ugu horeeyay waxaa lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan Dowladda oo ku taala Xaafada Ceymiska, Weerarka ayaa marka hore ku bilowday qaraxyo kadibna waxaa xigay rasaas dhowr jiho la imaneysay, waxa uu socday mudo kooban balse dibbaa loo eryay kooxihii weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarka ka dhacay Ceymiska, balse aysan ogeyn tirada rasmiga ah ee wax ku noqotay.

Weerarka labaad ayaa lagu qaaday Xarunta Degmada Yaaqshid, Isagana Bam ayuu ahaa waxaa lagu soo tuuray Xarunta, Saraakiil ayaa noo sheegtay in Bamka laga soo tuuray dhabarka danbe ee Xarunta Yaaqshid, Weerarka Saddexaadna isla Bam ayuu ahaa, waxaana lagu tuuray Laanta Suuq Bacaad.

Weerarka 4aad ayaa lagu dilay Nin garaashle ahaa, ka dib markii ay dhawr xabadood huwiyeen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf Cali, ayaa waxaa lagu dilay afaafka hore ee garaashkiisa oo ku yaala inta u dhaxeyso xaafadda Carafaat iyo Isgoyska Miisaanka Dhuxusha.

Raggan oo aan heybtoodu la garanayn, ayaa waxaa dilka ka dib u suurtagashay in ay ka baxsadaan goobtaasi, mana jirin cid la sheegay inay isu hawshay soo qabashadooda.

Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in ragga dilka gaystay oo laba nin ahaa, ay dilka ka dib cagaha wax ka dayeen, daqiiqo ka dibna ay goobtaasi soo gaareen ciidamada ammaanka. Waxay kaloo sheegeen inaanay ciidamadu isuba masshquulin soo qabashada raga wax dilay.

Saraakiisha ammaanka iyo Maamulka Degmada Yaaqshiid, ayaa waxaan jirin wax war ahi oo ay ka soo saareen tallaabada lagu dilay ninkaasi.

Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa dadka deegaanka, ayaan illaa iyo hadda la garanayn cidda dishay, balse waxaa tuhun laga qabaa inay dileen Al Shabaab, Sida Dadka deegaanka noo sheegeen.

Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada dalka, ayaa xilliyada qaarkood dilal qorsheysan ka fuliya Magaalada Muqdisho, waxaana wax adag ah in gacanta lagu soo dhigo, kolka ay dadka dilaan.