Isbar-baryaac keenay iscasilaad miyaa jira?

0

Wasaaradda ay madaxda ka ahayd Drs. Maryam Qaasim waa mid cusub oo hadda la curiyay ,weli ma qaadan shaqaale dhameystiran ,mana yeelan xeer hoosaadkii lagu maamuli lahaa.

Shaqadii ugu horeeysay waxay ahayd furitaanka xarunta isku xirka gargaarka. Alle ha u naxariistee agaasimihii xarunta ayaa ku shahiiday musiibadii 14-Oct ,waana sabab kale oo keentay hoos u dhaca awooda shaqo ee wasaarada.

Aduunka oo dhan waxaa jira wasaaarado iyo gudiyo isla shaqeeya ,tusaale ahaan wasaaradda dastuurka ee soomaaliya waxaa la shaqeeya gudigga madaxa banaan ee dastuurka iyo gudigga labada aqal. Wasaaradda difaaca waxaa la shaqeeya gudigga taakuleynta ciidamada ,aduunka oo dhan ayeey ka jiraan gudiyo lakiin sharciga ayaa kala haga.

Shaqadda wasaaradda ayaa ah fududeynta iyo dejinta siyaasadda guuud halka guddiyadu ka yihiin fulin.

Waxaa jira caqabado ka jira caalamka oo dhan kuwaas oo loo xaliyo qaab sharci ah ,waxaa loo yaqaan isdhexgalka shaqada (INTERFERENCE OF POWER).

Miyaa la xalin waayay arrinta wasiir Maryam ka cabatay? Golaha wasiirada maxay uga jeedin weyday caqabadaha ay la kulantay?

Hadii Gurmad Qaran uu shaqada qabto ,iyaduna kor kala socoto maxaa ku jaban? Yaa maamula lacagaha gurmadka qaranka.

Sida xaqiiqda ah dowladu ma maamusho lacagaha gurmadka qaraxii Zoope ee waxa maamula dadkii keenay. Jaaliyad kasta waxaa ka yimi dad wakiil u ah tusaale Ugandha ,Kenya iyo Puntland waxaa ka socday guddiyo iyaga ayaana bixiyay sida la sheegay.

Hadii ay sidaa tahay ma aha deeq caalami ah ,dadku xaq ayeey u leeyihiin inay bixiyaan sadaqadoodii ,hubsadaana halka ay gaartay.

W/Q: Garyaqaan Cali Soomaali.