FAAH FAAHIN : Koox hubeysan oo xalay dil ka geysatay Caabud-waaq

0

Koox hubeysan ayaa xalay qof shacab ah waxa ay ku dileen Maqaaxi ku taalla degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, sida ay ku soo waramayaan Wariyeyaasha ku sugan degmadaasi.

Ciidamada ammaanka iyo Maamulka degmada Caabudwaaq oo warbaahinta qaar la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in lagu raadjoogo kooxdii dilka u geyatay qofka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Warar kale ayaa sheegaya qofka la dilay inuu ahaa xoolo dhaqato oo ka yimid degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, safarna uu ka ahaa degmada Caabudwaaq.

Magaalada Caabudwaaq ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal salka ku haya aanooyin qabiil, iyada oo dhowaan uu jiray arrimo qabiil oo u dhaxeeyay dad ka soo kala jeeda Caabudwaaq iyo Cadaado.