Hubkii Somalia loo soo waday ee la qabtay oo la ogaaday inuu soo dhiibay Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya

Ciidamada Badda Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay Markab waday Hub ay soo saartay Waqooyiga Kuuriya kuna wajahnaa Soomaaliya.

Markabka ayaa laga leeyahay Dalka Iraan,waxaana saaran 73 Qori oo noca Machingan-ka loo yaqaanno ah,kaas oo ay farsameyso dowladda Waqooyiga Kuuriya.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa Waddamada Iraan iyo Waqooyiga Kuuriya ku eedeeyay in ay hubeynayaan Al-shabaab,si ay danahooda dhinaca Nukliyeerka ah u gaaraan.

Hubkan ayaa warbixinta lagu sheegay in la sameeyay intii u dhaxeysay 1973dii ilaa 1980kii,waxaana kaddib laga iibiyay Dalka Iraan,kaas oo si suuq madow ah isna u iibiya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa labada dal ee Waqooyiga Kuuriya iyo Iraan ku eedeeyay in ay jebinayaan cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya.

Hubkan ayaa la sheegayaa in la soo marsiiyay Dalka Liibiya si aan toos loogu fahmay in Dalalka Waqooyiga Kuuriya iyo Iraan ku lugleeyihiin hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya la geynayo.

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in labada dal ee Waqooyiga Kuuriya iyo Iraan oo ku howllan sameynta Hub Nukliyeer ah ay Macdan ka gurtaan Soomaaliya islamarkaana xiriir la leeyihiin AL-shabaab.

Awoowaha Madaxweynaha hadda haya talada Waqooyiga Kuuriya Kim Il-sung,ayaa mamnuucay in wax soo saarka Waqooyiga Kuuriya lagu iibiyo suuq madaw waxaana uu ka soo saaray xeerar dambi ka dhigaya,iyada oo tan iyo xilligaas ay Waqooyiga Kuuriya ka mid ahayd Waddamada aan wax soo saarkooda lagu arag suuqyada Madow hayeeshee hadda ayey u muuqataa in ay dib u billaabatay.

Kim Il-sung,Markii uu joojinayay waxaa warbixin ay dowladda sii deysay ku sheegtay in lacag dhan $1 Tiriliyan oo doollar laga sameyn jiray sanadkiiba,taasna ay horseedday hakinteeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

TOP DHAGEYSO:-Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujineysa Saldhiga Milatari Ee Imaradka Carabta Ka Furaneysa Mamulka Somaliland
- Nov 18, 2017
Warbxintani kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Burcad Badeeda soomaaliya ay soo ...
Wasiir Beyle oo ku howlan horumarinta Canshuurta +SAWIRO
- Nov 18, 2017
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa waxuu ka hadlay ...
TOP:-Mamulka Jubbaland Oo U Diyaar Garoobay Marti Gelinta Tartanka Ciyaaraah Gobollada Dalka
- Nov 18, 2017
Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay ...
Madaxweyne Siilaanyo oo si kulul uga hadlay khilaafka doorashada Soomaaliland
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland  Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliland oo 13 ...
Guddiga doorashada Soomaaliland iyo Xisbiga Wadani oo kulan ku yeeshay hargeysa
- Nov 18, 2017
Guddiga doorashada madaxtinimada Maamulka Soomaaliland ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed ...