Wasiirka Amniga oo maanta shir ka furay Magaalada Kismaayo

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale”  ayaa maanta shir looga hadlayo amniga Dalka ka furay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Wasaarada Amniga dowladda Federalka, Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha Amniga Dowlad goboleedyada Dalka,Guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska, QM iyo AMISOM ayaa  looga hadlayaa Arrimo ay ka mid yihiin Amniga , Tayeynta Ciidanka Booliska iyo Wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad goboleedyada iyo kuwa qaranka.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa lagu wadaa in uu soo xiro shirkan berry, iyadoo shirkani uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo lagu qabto Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamulka Jubbaland.

Kulanka maanta ka furmay Magaalada Kismaayo ayaa ah kii labaad ee ay Wasiiro ka socda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federalka ay isugu yimaadaan, tan iyo markii madaxda dowlada federalka iyo Maamul Goboleedyada ku heshiiyeen Magaalada Muqdisho,

Waxaana shirkan uu ku soo aadayaa, xilli dhawaab Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kadib qaraxii Zoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

SAWIRRO : Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo heshay doon dheereysa oo lagu ilaalinayo socdaalka Xuduudaha badda.
- Nov 17, 2017
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta la wareegtey doon nooca dheereysa ah oo lagu ...
WARBIXIN +SAWIRRO : Mugabe oo fagaaro kasoo muuqday ‘isaga oo mayal adag’
- Nov 17, 2017
Madaxweynaha wali xilka ka raaraca ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii ugu horeysay kasoo ...
DHAGEYSO : Wararkii ugu danbeeyay ee Rabshadihii Ka dhacay Hargeysa & burco.
- Nov 17, 2017
Rabshado kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo kuwaas oo ...
Qaramada Midoobay Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed
- Nov 17, 2017
Dowladda Soomaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan  dhinaca c aruurta ee UNICEF ayaa ...
Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in laga taageero dagaalka Daacish
- Nov 17, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhado” ayaa ka hadlay howlgallada ciidamada Maamulka Puntland ...