TOP NEWS:-RW Kheyre oo ka Dalbaday Haweenka in ay u Midoobaan Dagaalka Al Shabaab

0

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dalbaday Haweenka Soomaaliyeed in ay taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ay dhawaan ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya.

Mr Kheyre ayaa sheegay in Haweenku ay yihiin Laf dhabrka Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana aan looga maarmin dhiira galinta dowladda iyo ka shaqeynta Nabadda.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Qof walbo oo Soomaali ah ay dan ugu jirto Dowladnimada, loona baahan yahan in laga wada qeyb qaato hormarka Dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Haweenka looga baahan yahan in aysan dhex dhexaad ka noqon dagaalka Al Shabaab, ciribtirka Masuqmaasuqa iyo wax walbo oo caqabad ku ah danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa ra’iisul wasaare Kheyre waxa uu ka jeediyay Munaasabad Xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho, taas oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed.