XOG:-Goormaa ayaa la magcaabi doonaa Golaha Wasiirada Hirshabelle?

0

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxa haatan ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo Magacaabista golaha Wasiirada Maamulkaas.

Madaxweyne Waare oo Maalin ka hor dib ugu laabtay Jowhar ayaa Saacadihii la soo dhaafay ku jiray wadatashiyo uu la sameynayay Odayaasha iyo Siyaasiyiinta deegaanada Hir-Shabeelle si uu u soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Maxamed Cabdi Waare oo Jowhar lagu doortay 16,kii Bishii September ee Sanadkaan ayaa Xildhibaanada hir-Shabeelle waxa ay ugu dareen waqti dheeri ah kadib markii uu ka dalbaday in ay fursad u siiyan Magacaabistas.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in  macquul ay tahay in Wasiiradaas ay ka koobnaadaan ilaa 54, isla markaana ay qaarkood ka soo dhex muuqan doonaan Wasiiradii hore xiligii Cosoble.

Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Jowhar ayaa laga dareemayaa qul qulka dadka doonaya in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle