Daawo Sawirrada:-Muqdisho oo loo sameeyey Sanaadiiqda Cabashada dadweynaha

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay hirgaliyeen Sanaadiiq lagu aruurinyo cabashooyinka iyo talooyinka ay qabaan shacabka ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaana uu tilmaamay in Sanaadiiqdan la kala dhigayo dhoor goobood, si ay dadka shacabka ah ugu ridaan cabashadooda iyo fariinta ay u sidaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa hoosta ka xariiqay in Sanaadiiqdani ay ka qeyb qaadan doonaan wada shaqeynt dhexmarta Shacabka iyo Booliska Soomaaliyeed.

Waxaana uu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasto oo khatar ah ammaanka Gobolkan Banaadir.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dadaal badan ku bixinaya, sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayd ciidamada Booliska iyo shacabka, loogana hortagi lahaa falalka ammaan dari ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.