DHAGEYSO : Wararkii u Danbeeyay ee Doorashada & Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota.

0

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa sheegay inay soo xirmeen goobaha cidbixinta haatanna ay socoto tirinta codadka.

Guddigu ma sheegin xilliga ay tirintu dhammaanayso, waxaa la filayaa inay maalmo qaadato inta looga dhowaaqayo natiijada doorashada.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay doorashadu u dhacday si nabad ah.

In ka badan 1600 goobood ayaa laga codeeyey, waxaana la filayaa in dadka usoo baxay inay codkooda dhiibtaan ay badnaayeen.

Illaa saddex musharax ayaa ku tartameysa doorashada maanta dhaceysa, waxaana ay kala yihiin Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi.

Haddaba doorashadan maxay uga dhigan tahay Somaliland? Dhinaca kalena maxay kaga duwan tahay kuwii hore?

Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Jaamac Buulle Jaamac uu hordhigay Guuled Axmed Dalfac oo ka tirsan xarunta Falanqaynta SIyaasadda Hargaysa CPA iyo Professor Afyare Cabdi Cilmi oo macallin ka ah Jaamacadda Doha University ee Qadar kana faallooda arrimaha Gobolka iyo kuwa caalamkaba. Hadalkana waxaa ku horraynaya Guuleed Axmed Dalfac.