Baraha Bulshada Ay Ku Xariirto Oo Deegaanada Somaliland Hawada Laga Saaray

0

Shirkadaha adeegyada internet bixiya ee ka shaqeeya deegaanada Somaliland ayaa goor dhaweyd khadka ka saaray adeegsiga baraha ay bulshada ku wada xidhiidho.

Shirkadaha Telesom, Somtel iyo Somcable oo ah shirkadaha internetka bixiya ayaa jaray adeegyadaasi kadib markii ay komishanka doorashooyinka Somaliland ka codsadeen in laga xidho deegaanada Somaliland marka ay dhamaato codeynta codbixiyayaasha doorashada Somaliland ee maanta loo dareeray.

Wariyaha idaacadda Kulmiye ee magaalada Hargeysa ayaa sheegaya inaan Internetka deegaanadaasi laga isticmaali Karin oo la xidhay lixdii fiidnimo adeegyada Facebook, Twitter, Instgram, Whats app, Linkileng, Imo, Skype, Google Plus Snap Chat iyo qaybo kale oo adeegyadaasi ah.

Wuxuu sheegay in shirkaduhu ay fuliyeen go’aankii komishanka ee ahaa in bulshada laga xidho barahaasi wakhtiga ay doorashada dhamaato si aan loogu shaacin natiijooyinka hordhaca ee doorashada madaxweynaha.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa hore u sheegay in la xidhi doono baraha bulshadu ku wada xidhiidho ilaa wakhtiga rasmiga ah ee ay ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashada madaxweynaha, komishanku waxay ka cabsi qabaan in bulshada warar is khilaafaya ka gudbiso natiijada doorashada iyo in falal amniga waxyeelayo laga abaabulo maaddaama baraha bulshada soomaalidu aad u isticmaalaysay sanadihii u dambeeyay.

Doorashada Somaliland waxaa imika soo dhamaaday codeyntii doorashada badankooda inkasta oo goobaha qaar wali ka socoto doorashadu.