Wasiirka arimaha Gudaha Juxa ”Degaanada Qaar Gole deegaan lagama hirgelinkaro sababo Amni”

0

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shir ay hogaaminayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo shalay Muqdisho furtay Shir looga hadlayey dhisidda Golaha Degaanka ayna ka qeyb galeen Wasiiradda Arriamaha Gudaha Maamul Goboleedyadda iyo mamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka bilowdeen qeybo ka mid ah gobolada Dalka.

Shirka oo wadatashi ah ayaa inta uu socdo waxaa looga hadlayaa dhismaha Golaha Degaanka ee dhamaan Degmooyinka Gobolada Dalka, waxaaan barnaamijkani taageeraysa Hey’adaha  ka shaqeeya Arrimaha Hormarinta Degaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Maamuleedyadda dalka ayaa sheegay in intooda badaan meel wanaagsan u marayo dhisitaanka Golaha Degaanka iyo dhameystirka Sharciga Golaha Degaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa  tilmaamay in degaanadda qaar aysan suurto gal aheyn in laga sameeyo Gole Deegaanka Xaalad Amni awgeed balse Deganada kale sida ugu dhaqsiyah badan looga hirgalin doono.

Wasiir Juxa waxaa kale oo uu sheegay in looga baahan yahay Maamul Goboleedyadda inay qeyb ka qaataan in lameel mariyo Sharciga Gobolaha Deegaanka si-dhaqso loo helo Gole Deegaan.