TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo jeediyay Qudbad Ammaanka la Xiriirta

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Xalay ka qeyb galay Shir loogu Magac daray Daah-furka Ammaanka Muqdisho ayaa ka jeediyay Qudbad Dhinacyo badan taabaneysa,waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu Mar kale ku Celiyay in Dalku uu ku jiro Xaalad Dagaal islamarkaana Shacabka looga baahan yahay in ay Gacan siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga guuleysto Al-shabaab.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay Arrimaha Siyaasadda,wuxuuna sheegay in markii la dhisay Xukumadda ay la kulantay Mucaarado dhinacyo badan ka imaaneysa islamarkaana taas ay keentay in Shabaab ay ka faa’ideysteen Mucaaradada ka jira Dhaxdeena.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo Wanaagsan,iyadoo ay ku dhex jireen Danleey maalin kastana ka horimaaneysa Hormarka Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO