DHAGEYSO : Ciidamada DF Oo Baadi Goob Ugu Jira Askari Dil Ugu Geystay Shabeelaha Dhexe Hooyo iyo……

0

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay billaabeen baaritaanno ku aadan Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo Haweeney iyo gabar ay dhashay ku dilay deegaanka Miir Taqwo ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana la tilmaamaya in ay socdaan Howlgallo lagu baadi goobayo Askariga falkaasi dilka ah geystay oo la tilmaamay in uu baxsaday kadib dilka.

Dadka deegaanka ayaa ku soo warramaya in Askarigaasi Rasaas uu furay ay ku dhinteen Hooyo Magaceeda lagu soo koobay Faaduma iyo Gabadheedii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dilkaas uu yimid kadib muran ku aadan lahaanshiyaha dhul ku yaalla deegaankaasi Miir Taqwo ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.