DHAGEYSO FAAH FAAHIN: 1-qof oo ku dhintay Banaanbaxyadii Maanta ka dhacay Boosaso.

0

Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa maanta ka dhacay Mudaaharaad ay ka qayb-qaateen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Bosaso.

Mudaharaadka ayaa ka dhashay kadib markii muddo toddobaad ah ay xiran tahay Dekada Bosaso oo ah Isha dhaqaalaha Puntland.

Dadka mudaahraadayay oo u badnaa xaamalatada Dekada Bosaso iyo ganacsatadii magaalada Bosaso ayaa dhagaxaan ku xiray wadooyinka waaweyne ee soo gala Dekada waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid tahay waa in si deg deg ah loo furaa Dekada Bosaso, dooni meeyno Shirkadda DP World iyo erayo kale oo ay uga soo horjeedaan dhibaatada ka taagan xirnaanshaha Dakeda.

Dhinaca kale Warbaahinta SBC oo la xiriirtay isbitaalka guud ee Bosaso waxa ay noo xaqiijiyeen in la soo garsiiyey sadex qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ay rideen ciidamada dawalada, kadibna uu markii danbe uu geeryoodaya mid ka mid aha sadexdii qof.

Xaalada guud ee magaalada Bosaso ayaa aad u kacsaneed Saaka waxana jiray shirar u socda dawlada iyo ganacasatada, oo looga hadlayay Arintaasi.