AKHRISO: Maxaa keenay in QARAXYADA ay ku soo kordhaan Magaalada Muqdisho?

1

Shabakada Wararka ee AGGM ayaa waxey heshay xog ku aadan sababta keentay in Qaraxyada waa weyn loo joogteeyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa Shalay ka dhacay labo Qarax oo ismiidaamin ahaa, kuwaasi oo galaaftay nolosha 23 Ruux oo ay ku jireen Dad mas’uuliyiin ahaa.

Gaari weyn oo nuucu ahaa ‘UD’ lagana soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay meel aan ka fogeyn hoteelka Naasahablood Two ee Magaalada Muqdisho, kadibna waxaa xigay weerar toos ah.

Dabley hubeysan oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab ayaa gudaha u galay hoteelka, waxaana halkaasi ku toogteen tobanaan ruux oo ku sugnaa hoteelka, inkastoo howlgalkaasi ay soo gaba gabeeyeen Ciidamada Amaanka.

Balse Weerarada nuucan ee ku soo kordhay Muqdisho ayaa muuqda mid salka ku haya saldhigii Dowladda Turkiga ay ka furatay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Abuu Cabdiraxmaan ah oo muwaadin u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxuu sheegay in Soomaali aysan xasilooni heli doonin inta uu saldhiga Turkiga ka furan yahay Magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa waxuu tilmaamay in Saldhiga Turkiga ee ka furan Muqdisho uu khatar weyn ku yahay amniga Soomaaliya.

Muwaadin u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta
Waa sawirka Abuu Cabdiraxmaan

Qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa Abuu Cabdiraxmaan waxuu ku sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in dib ay ugu laabato Dagaalladii sokeeye oo ay ka soo gudubtay.

Horaantii bishan ayaa sidan oo kale waxaa saldhiga Turkiga waxaa ka hadlay Dowladda Masae, waxaana ay ku tilmaamtay mid lagu handadayo danaheeda.

Sikastaba, 14-kii bishan ayaa weerar ismiidaamin ahaa waxuu ka dhacay Igooyska Zoobe, halkaasi oo ay ku dhinteen qiyaas ahaan 358 Ruux, halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

 

Comments are closed.