DHAGEYSO:- Falaagada Al Shabaab oo laga qabsaday degaanka Toor toor ee gobolka Bakool.

0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga ay saaka dagaal waxa ay ku qaadeen degaano Shabaab ay kaga sugnaayeen Gobolka Bakool.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ciidanka Xoogga dalka oo ka duulaan tagay Degmada Xudur ee Gobolkaasi Bakool, waxayna ku dhaqaaqeen ciidanka degaanka Toor toor oo Shabaab ay gacanta ku hayeen, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal labada dhinac khasaare ku soo kala gaaray, ugu dambeyna Shabaab looga qabsaday degaanka.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool C/laahi Maxamed Nuur Xuseen, oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay dagaalkaasi in Shabaab ay uga saareen degaanka Toor toor oo saaka dagaalka uu ka dhacay.

Dhinaca kale Waxa uu sheegay degaankan inuu ahaan jiray Saldhig ay Shabaab ka soo abaabulaan weerarada ay ku soo qaadaan Degmada Xudur, balse hadda si buuxda ay gacanta ugu hayaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Isku soo wada duuboo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo guud ahaan dalka oo dhan laga bilaabayo.

HOOS KA DHAGEYSO