XOG WARAN: Musiibadii Zoobe kadib maxaa iska bedelay amniga magaalada Muqdisho?

0

Waxaa 14ka bishan magaalada Muqdisho ka dhacay weerar ismiidaamin ah kaa oo loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay TM.

Weerarkan ismiidaaminta ah oo galaaftay nolosha boqolaal shacab oo xiligaa ku howlanaa baadi­goobka nolol maalmeedkooda, ayaa waxaa la xaqiijiyay in weerarkaasi uu u sabab ahaa habacsanaan dhanka amaanka ah oo jirtay.

Ciidamada amaanka ee u xilsaaran amniga magaalada ayaa xiligaa dayacay dhammaan waddooyinka Muqdisho oo uu soo maray gaariga falkaasi foosha xun fuliyay.

Weerarka kadib dowlada Federaalka ayaan weli la imaan isbedel dhanka amniga ah, waxaana xusid mudan in waddooyinka ugu muhiimsan ee magaalada ay yihiin kuwo haawinaaya oo aysan ku sugneyn ciidamada.

Waddooyinka ugu mashquulka badan ayaa ah kuwa dayacan isla markaana ay isticmaalayaan gaadiidka xamuulka ah oo aan la xaqiijin karin waxa ay sidaan, waxa ayna arrintaasi muujineysaa mas’uuliyad darro ka muuqata Hay’adaha amniga.

Madaxda Hay’adaha amniga ee dowlada ayaa u muuqda inaysan weli cashar ka baran musiibadii ka dhalatay Qaraxa Zoobe oo haligay shacab badan.

Sidoo kale, aamusnaanta maleeshiyaadka Alshabaab ayaa muujineysa in weli ay jirto fursado ay ku fulinkaraan weeraro kale oo ay dhulka ku dhigayaan goobo waaweyn oo ay u arkaan kuwo munaasib ah.

Si kastaba ha ahaatee, dadka ku xeeldheer arrimaha amaanka ayaa dowlada Federaalka uga digay inay kusii dhiirato habacsanaanta ka jirta magaalada Muqdisho.