27 SANADOOD KADIB DAGAAL DALKA LOOGA SIFAYNAYO CADAWGA GUDAHA OO DAWLADU HOGAAMINAYSO.

0

Dalkeena waxaa lawada ogsoon yahay in uu yahay mid illaahay ku maystay nicmooyin aan la soo koobi karin.waxaa kamid ah hawada uugu macaan caalamka qabawna maha kulayl sida khaliijul carab oo kale maha waa hawo macaan oo dhex dhexaad ah.dhulkeenu waxa uuleeyahay xeebta uugu dheer qaarada afrika macnaha waa dhul raaxo iyo dalxiis. waxaynu lee nahay laba badood oo midaad doonto aad ka kaluumaysan noocyada kala duwan ee kaluunka iyo cuntada illaahay dhex dhigay bada.Waxaa intaa dheer bada dhexdeeda dheemanka madoow badrool dhex ceegaaga oo illaahay ku manaystay.

Waxa intaa dheer soomaaliya oo ah marinka uugu dhaw ee badaha mara marka laysaga gooshayo afrika aasiya yurub iyo ameerika iyo austaraliya kaasoo ah marinka RAAS CASAYR oo maraakiibta caalamka isaga gooshaa ay maraan maalin walba si joogta ah.Laakiin majirto cid lacag ka qaada oo ka faa iidaysata albaabkaan iska furan nasiib daro.masar baaba roon oo faransiisku u dhisay 1956 marin yaroo ay kahelaan malaayiin dollar marakiibta maraysa waana isla badeena ah read sea ama bada cas inaga GARDAFUL wax laga qaadaa majiro.

Waxaan leenahay wabiyo iyo dhulbeereed la beeran karo 12 ka bilood ee sanadka oo dhan.dhulku hadana deeqda alle maha mid yar waa mid aad u balaaran oo waa sac ah.Waxaan leenahay buuro taxan oo qaarkood joogoodu aad u sareeyo xeebtana kaabiga ku haya oo aad u muuqaal quruxsan sida buuraha daalo. dhulkeenu waxa uu leeyahay jaziirada aad ubadan oo soo jiidasho leh iyo qurux mudana in lagu noolaado taasoo aynu ka faa iidaysan waynay nasiib daro. jaziiraduhu badankoodu waxay ku yaalaan jubaland iyo somaliland.

Dhulkeenu waxa uu leeyahay macdin kala duwan oo dhex jiifta gaar ahaan gobolada mudug iyo galgaduud.dhulkeenu waxa uu leeyahay shidaal dhan walba waqooyi,bari,nugaal,koonfur oo dhan inta badan shidaalka waa laga helay oo la hubaa. afgooye gaaska dabiiciga ayaa ka buuxa oo la hubaa oo laga helay oo soosaaristii unbaa dhimanayd burburkii ayaa inagu dhacay markii la soo saari lahaa. dhulkaa qiimahaas leh ayaa ilaahay ina siiyay isagaana ku mahad san waana inoo roonaaday rabi.

Dadka soomaaliyeed waa dad muslim ah suni ah waana isku isir wada dhashay guud ahaantood. waa dad leh hal af hal midab waana soomaali kuligood.waxay kamid tahay nicmooyinka waa wayn ee illaahay bixiyo.waxaas oo nicmo ah inagoo haysana ayaan hadana dhulkeenii dhexdiisii ku gaajaysanahay oo cunto la aani dadkeenii laysay iyo baahi,dadkeenii soomaaliyeed waxaa ku socda dil,gawrac joogta ah kufsasho joogta ah xasuuq joogta ah.dadbaa laga qaaday guryahoodii iyo beerahoodii iyo noloshoodii oo waxaa ka qaadaya isla dad soomaali ah!! waa lays gumaaday,walaysku danbaabay,dad baa iyagoo nool nolasha lagu gubay,lagu aasay,gabdhahoodii iyo xaasaskoodii lagu hor kufsaday.xumaan oo dhan ayaa la sameeyay.

Waxaa dalkeenii lagu beeraa daroogada oo waxay noqotay soomaaliya meesha lagu kala badasho daroogada aduunka dad soomaaliyeed ayaana hawshaa wada.badeenii sunbaa lagu shubay oo soomaali baa lacag ku qaadatay arinkaa,dhulkeenii waa beec waxkastoo xumaan ah ayaa lagu sameeyay rag soomaaliyeed ayaana sidaa samaynaya ilaa maanta.dhaqankeenii waa la dumiyay ragbaana mashaariicdaa qaatay soomaaliyeed,diinteenii waa lagu soo duulay oo shaki baa lagaliyay oo si xunbaa loo turjumay oo dadkii waa lanacsiiay ragbaana arintaa kashaqeeyay soomaaliyeed. mudo 27 sanadood ah ayaan ku jiraa silicaas iyo baaba aas iyo fool xumasaas. dadkeenii waa dhibana yaal silic ku nool iyo mugdi iyo mustaqbal xumo.dadkeenii dabadaha ayay ku yihiin qoxooti la quursado oo ku nool nolal hoosaysa kumana faraxsana nolashaas.

Waxaas oo dhib ah maxaa inoo keenay inagoo leh dhulka sidaa ufiican? waxaa dhibkaas oo dhan inoo keenay DAWLAD LA AANTA. markii dawladii dhexe ee xooga lahayd meeshii kabaxday ee dalkii nidaam la aan noqday sidan ayay dhashay.Maanta in dadkeenii MOGDISHO boqolaal nolasha loo diido oo la gumaado waxaa keenay dawlad la aanta. dad soomaaliyeed ayaa hawshan fuliyay macno ma samaynayso hadaan farta ku fiiqno shisheeyaha ku adeeganaya sababtoo ah shisheeye waa shisheeye cadawna waa leenahay sida dawladaha kalaba laakiin hadii dadkii soomaaliyeed qayb kamid ahi waxan wado dabcan shisheeye waa kaa faa iidaysanayaa raba baaba aaga.

Shacabkii soomaaliyeed waxay garteen maanta in aysan kusii jiri karin fool xumada dawlad la aanta ah.waxay garteen inaysan waxba u taraynin qabyaalada iyo kala qoqobku.waxay garteen in lagu heli karo nabad iyo hormar iyo mustaqbalka caruurtooda DAWLAD NIMO markaa waa in dawlada la taageero ayay fahmeen.Waxay fahmeen shacabku wax ka xun dawlad la aan in aysan jirin.Waxay fahmeen in aysan suuqyada lagu kulmo isugu iman karin oo shaqaysan karin oo lagumaadayo hadaysan u istaagin difaaca diinta dadka iyo dalka oo aysan dawladooda taageerin.Dawlada soomaaliyeed maanta waxay dad waynaheeda iyo ciidamada xooga dalka soomaaliyeed ku hogaaminaysaa in cadawgaa gumaadaya walina sii gaadaya ee dhib la raba had iyo jeer ay iska dhiciyaan dalkana la xooreeyo oo hal mar nafta la huro intii silic lagu jiri lahaa sanado farabadan oo kale.

Dalka soomaaliyeed waxaa u kacay dawlad dagaalamaysa oo sooma jeestayaal ah geesiyaal ah oo xoraynaya dalka soomaaliya kana xoray naya cadawga gumaysanaya 27 sanadood oo ah shabaab iyo dawlad diid qabiilste ah oo xaaran ku naax ah.Dawlada soomaaliyeed waxay doonaysaa in shacabku helo nabad,in shacabku helo caafimaad,waxbarasho,shaqo,sinaan,cadaalad iyo diintooda oo ay si xor ah u haystaan.Dawlada soomaaliyeed shacabka waxay la rabtaa nabad inay ku seexdaan dhulkooda ku raaxaystaan walaaloobaan soomaali ahaadaan meel iska dhigaan wax kasta oo midnimadooda dhaawacaya.shacabka soomaaliyeed waa uu garwaaqsaday hogaaminta dawladooda waana raacsan yihiin dal iyo dibadba maxaayeelay nolosha soomaaliyeed ayaa ku jirta DAWLAD NIMADA.

Dagaalkani waa waajib lagu xoreeynayo dalkeena.Tiro yar inama gumaysan karto mudo intaan ka siibadan waana soo afjaraynaa hal kareebi mayno shabaab iyo dawlad diid waa sifaynaynaa cafisna malaha.Dalku waxa uu galaya dagaal sifayn ah oo dib u xorayn ah.kuwa u kaalmaynaya ee inagu dhex jira waa in tiirka la taagaa waayo cadawgay ka xun yihiin.Nin la jiri kara shabaab iyo nin la jiri kara dawlad diid lama arki karo waa dil xeerka ka yaalaa.ninka dadkeenii hilbahoodii sidaa u waray ee shacabkeenii gumaaday ninkii laga arko in uu taageero u hayo waa cadaw iyaga ka sii xun waana dil aan lays iswaydiinaynin.

Dagaalkani waa dagaal lagu kala baxayo waana la ba saf uun safka yar oo ah shabaabiyo DAWLAD DIID iyo safka wayn oo ah dawlada iyo shacabka soomaaliyeed oo mid ah iyagu waa DAWLAD DOON waana intabadan.madaama lagumaadayo oo la tirtirayo madaxwaynuhu FARMAAJO waxa uu dalalka dariska ah kula heshiiyay in ay xuduuda waardiye adag dhigaan si aysan firxadkoodu ugalin wadamada dariska ah oo mid kaliya ah u baxsan maadaama go aanku yahay dabargooyn. waxay iyaguna ka qayb qaadanayaan dhankooda dagaalkaas culus ee soomaaliya galayso.

Ciidankii xooga dalka soomaaliyeed iyo saraakiishii dagaalka waa heegan aagag farabadan ayaana lagu kala jiraa oo cadawga lagu hareeraynayo guushuna waa dhawdahay dalkeenana waa xoroobayaa oo helayaa nabad iyo nolol iyo faraxad iyo dawladnimo buuxda.nin walbaa meeshiisa haka diyaar garoobo difaaca diinta dadka iyo dalka.dawladii dhexe maamul goboleedayadii iyo shacabkiiba waa ul iyo diirkeed cadawgaa la sugayaa maanta waana taariikh cusub iyo guul soomaaliyeed.

Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com