Soomaalida Kenya oo boqolaal kun oo doolar u soo diray Muqdisho +SAWIRO

0

Soomaalida ku dhaqan Dalka Kenya ayaa u istaagay sidii ay uga qeyb qaadan la haayeen gumadka dhaqaale ee loo fidinayo boqolaalka ruux ee ku waxyeeloobay Weerar ismiidaamin ahaa oo todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Barta Twitter-ka ee Safaarada Kenya ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in boqolaal kun oo doolar oo ay iska soo uruuriyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya.

Qoraal kooban ayaa la soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa muujinayay in 250 kun oo doolar loo soo diray Magaalada Muqdisho, si loogu caawiyo dadkii dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho.

Dhaqaalahan ayaa sidoo kale waxaa loogu yaboohi doonaan kuwii dadkoodii ku waayay weerarkaasi galaaftay nolosha qiyaas ahaan 350 ruux, halka kuwa kalena weli lagu la’yahay weerarkaasi.

Dalal dhowr ah oo Soomaalida ay ku leeyihiin ayaa sidan oo kale waxaa ka bilaawday sidii dhaqaale loogu uruurin la haa dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay todobaadkii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho.