XASAASI: Shacabka Buuhoodle Oo Kahor Yimid Heshiis Ay Wada Gaareen Somaliland Iyo Khaatumo

1

Shacabka ku dhaqan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa kasoo horjeestay heshiis ay Todobaadkan gaareen maamullada Khaatumo iyo Somaliland.

Dibadbax ay isugu yimaadeen shacabka degmadaasi oo ay wehlinayaan mas’uuliyiinta degmadaasi iyo waxgaradka ayaa sheegay in heshiiskaasi aanu quseyn dadka deggan Buuhoodle.

Waxay tilmaameen dadkaan in marnaba aanay aqbli doonin in la kala qeybiyo Soomaaliya, shacabka Buuhoodlena ay mar walba diyaar u yihiin midnimada iyo wadajoogga umadda Soomaaliyeed.

Garaad Soofe oo kamid ahaa waxgaradkii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa cod dheer ku sheegay in Cali Khaliif Galeyr aanu matalin shacabka Khaatumo.

“Caliyow waxaad tahay shaqaale Somaliland ah, annaga nama matashid, lagamana yaabo inaan la midowno Somaliland, beesha haddii aan nahay waxaan sheegeynaa in heshiiskaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn” ayuu yiri nabadoonka.

Cali Khaliif Galeyr oo xildhibaanno  ka tirsan Khaatumo ay horey u sheegeen in xilka ay uga qaadeen ayaa la midoobay maamulka Somaliland.

Comments are closed.