DHAGEYSO+AKHRISO :- Madaxweynaha Puntland Oo Xabsi guri ku xukumay Taliyihii Ciidanka Booliska Maamulkaas.

0

Digreeto Ka soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas” ayaa shaqadii looga joojiyay, xabsi gurina lagu xukumay Taliyihii Ciidanka Booliska ee Puntland C/qaadir Shire Faarax “Ereg”.

Xeer Madaxweyne Lr. 126 October 22 2017, kuna saabsan shaqa ka joojin iyo xabsi guri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu qiimeeyey:- Falalkii uu kukacay taliyaha ciidanka Booliska Puntland

taariikhdu markay ahayd 21 October 2017.

Wuxuu Xeeriyey:-

Waxaa S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga joojiyey shaqada Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
Waxaa sidoo kale S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga dhigay (xab siguri) ilaa amar danbe.
Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=