DHAGEYSO : Taliyaha Booliska Soomaaliya Oo Amray In Gacanta Lagu Soo Dhigo Askari Qof Shacab Ahaa Ku Dilay Muqdisho.

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo maanta Wariyeyaasha la hadlay ayaa ka warbixiyay dil dhawaan askari ka tirsan ciidanka dowladda Qof shacab ahaa ugu geystay Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu tilmaamay in dilkaasi uu ka dhacay nawaaxiga saldhiga degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, islamarkaana uu baxsaday askarigii ka dambeeyay dilkaasi.

Afhayeenka ayaa xusay in askariga dilka geystay lagu magcaabo Yuusuf Maxamuud Maxamed, kana tirsanaa ciidanka booliska ee saldhiga degmada Hiliwaa.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Qaasim Axmed Roobe ayaa shaaca ka qaaday in uu amar ku bixiyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid” in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo qabto askarigaasi.

Waxaana hoosta ka xariiqay in tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan, askarigii dilka geystay oo ay haatan ku raad joogaan Laamaha Ammaanka.

Sabtidii aynu soo dhaafnay ayey ahady, markii askari ka tirsan ciidanka Booliska saldhiga degmada Hiliwaa Qof shacab ahaa uu ku dilay nawaaxiga saldhigaasi.