DHAGEYSO: Cabdiwali Maxamed Cali oo la dar-daarmay Madaxweynaha cusub ee Hir-shabelle

0

Madaxweynaha Puntland oo khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyey xafladda caleema saarka madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan-yahay kasoo qayb galka xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Hir-shabeelle, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xusay in doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka turjumayso midawga ummadda Soomaaliyeed iyo fadaraaliisamkii Soomaaliya oo Hirgalay.

“Aniga iyo weftigayguba aad iyo aad ayaan uga mahad naqaynaa soo dhoweyntii aad nasoo dhoweyseen shacbiga reer Jawhar iyo Hir-shabeelleba ee wanaagsanayd, quruxda badnayd, walaaltinimada lahayd, runtii waa dawlad nimadii Soomaaliyeed oo hore u socota, doorashada Maxamed Cabdi Waare waxay ka turjumaysaa fadaraaliisamkii Soomaaliya oo socda oo hirgalay, Madaxawed Cabdi Waare inta aan ka bartay waxaan aamin sanahay dad weynaha Hir-shabeelle inay heleen hogaamiyihii u wanaagsanaa ee ay heli lahaayeen” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale la dardaarmay una duceeyey Madaxweynaha Hir-shabeelle in Alle u fududeeyo xilka uu u qaaday shacabka Hir-shabeelle, iyo ummaadda Soomaaliyeedba, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in shacabka Hir-shabeelle iyo Soomaaliya oo dhanba ay soo mareen wakhti aad u dhib badan loona baahan yahay in uu ka shaqeeyo wixii ay kaga bogsan lahaayeen xanuunkaasi iyo wakhtigaasi adkaa ee soo maray.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dhammaantood Madaxweynaha Hir-shabeele Dr .Maxamed Cabdi Waare ugu hambalyeyey xilka uu u qabtay dadkiisa iyo dalkiisaba, waxaana ay Alle uga baryeen inuu Alle u fududeyo shaqada baaxaddale ee loo igmaday.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhibaatadii soo gaartay dadkii rayidka ahaa ee ku wax yeeloobey qaraxii Muqdisho 14 october 2017, waxaana uu Alle uga baryey dadkaasi in Alle u naxariisto intii dhimatay, intii ku dhaawacantayna Alle u boogadayo.