DHAGEYSO : Khubadii Wasiirka Arimaha Gudaha uu ka jeediyay Caleema saarkii Maanta Jowhar.

0

Munaasabad lagu caleemasaarayay Madaxweynaha dowlada goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xaflada caleemasaarka ayaa waxaa ka qeybgalay ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka, guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiiro, xildhibaano, wakiilka QM, wakiil ka socday Midowga Afrika, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Marti sharaf kale duwan.

Munaasabadan ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay ay ugu hambalyeeyeen uguna soo duceeyeen Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,waxayna dhamaan mas’uuliyiintii ka qudbadaha ka jeediyay ay ka hadleen qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxana ay sheegeen inay ku baaqeen in meel la isaga soo wada jeesto sidii ururka Al-shabaab loola dagaalami lahaa.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabadan ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle inuu si cadaalad ah ugu shaqeeyo shacabkiisa kuna dadaalo sidii dhinaca Beeraha horumar uga gaari lahaa maadaama wax soosaarka dalka labada gobo lee ku mideysan dowlad goboleedka ay qani ku yihiin.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle oo maanta la caleema saaray ayaa u mahadceliyay madaxdii ka soo qeybgashay munaasabadii caleema saarkiisa waxana uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii bulshada uu ugu shaqeyn lahaa si cadaalad ah isla markaana ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa dowlad goboleedka Hirshabelle iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA