AKHRISO: Maxaadan ogeyn oo ka dhacay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud?

1

Waxaa kala orad ka bilaawday Xaafad ku ku taalla Degmada Caabudwaaq, kadib markii lagu arkay halkaasi Gaari nuuca xamuulka qaada oo u shabaha sida la sheegay midkii isku qarxiyay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Dadka Degaanka ayaa baqdin ka muujiyay aragtida Gaarigaasi soo galay Xaafada, maadaama weli dhagtooda ay ka guuxeyso khasaaraha shacab ee ka dhashay Weerarkii Zoobe ka dhacay todobaadkii la soo dhaafay.

Balse, Haweeney ku hubeysan qoriga nuuca daran dooriga u dhaca ee lagu magacaabo AK-47 ayaa soo gaartay goobta, kuna amartay darawalkii waday in uu joojiyo, si baaritaan loogu sameeyo Gaarigaasi.

Ayaan Axmed Garyare oo ka mid ah Dadka Degaanka  ayaa barteeda Facebook ku baahisay SAWIRO ay ka soo qaaday Haweeneydii sidatay qoriga oo istaajineysa Gaariga Xamuulka ahaa.

Haweeneydan oo magaceeda aan la shaacin ayaa lagu tilmaamay GEESI, maadaama ay sheegtay in aysan dooneyn in indhaheedu qabteen dad badan oo ku baabaya Qarax ka dhaca Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Dhacdadan ayaa aheyd mid ka yaabisay Dadka Degaanka, iyadoo tobanaan ruux ay noloshaada la baxsanayeen ay Haweeneydani u istaagtay sidii loo hubin la haa Gaariga Xamuulka ahaa waxa saaan.

Sikastaba, Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolada Dalka ayaa weli dhagtooda waxaa ka guuxaya weerarkii lagu tilmaamay xasuuqa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Comments are closed.