DHAGEYSO WAREYSI : Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Duleedka Gaalkacyo

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland saacadihii la soo dhaafay ku dhexmaray duleedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ugu yaraan 6 Qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Sangaduud oo 50 KM dhinaca Bari ka xiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland in ay weerar ku soo qaadeen, balse ay iska caabiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi.

Balse xaaladda deegaanka Sangaduud ayaa ah mid kacsan, iyadoona weli rasaas teel teel ah laga maqlayo deegaankaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa oga waramay All-Galgaduud :