DHAGEYSO:- Madaxweynaha JFS Farmaajo oo isugu yeeray labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dalka oo galaya xaalad dagaal.

2

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta Sabtida ee soo socota isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, si Madaxweynuhu khudbad ka hadleysa xaalada dalka ugu jeediyo, kaddib Qaraxii ugu weynaa abid ee dalka ka dhaca oo ay ku dhinteen in ku dhow 300 oo ruux.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha uu isugu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka, si uu dalka ugu hoggaamiyo xaalad dagaal oo dalka geli doono wixii ka dambeeya maalinta sabtida.

Warar ay heshay Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u guuri doono degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo 30km koofur galbeed u jirta magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dagaalka ka hagi doono degmada Afgooye, halkaasoo uu saldhigan doono inta uu howl galka socdo.

Hoggaanada kala duwan ee ciidamada ayaa is bedel lagu sameynayaa, iyadoo Taliyaha qeybta 12-ka April loo magacaabay Jen, Koronto oo caan ka ah Gobolka Shabeellaha Dhexe, horayna uga soo qeyb qaatay howl gallo ka dhacay gobolkaas oo Al-Shabaab loogaga saaray deegaano dhowr ah.

Dhinaca kale Ciidamada qalabka sida ayaa ka qeyb qaadan doona dagaalka, kaasoo noqon doona kii u horeeyay ee ciidamada kala duwan ee dowladda ka qeyb qaataan.

Isku soo wada duuboo Howl galka ballaaran ee dowladda qaadi doonto todobaadyada soo socda ayaa jawaab u ah qaraxii dadka faraha badan ku dhinteen ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe magaalada Muqdisho.

HOOS KA DHAGEYSO

 

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Comments are closed.