DHAGEYSO:- Maxamed Cabdi Waare “Waa inaan go’aan deg deg ah ka qaadanaa shacab ahaan iyo dawlad ahaan, lana dagaalano kuwa dadkeena laayay”.

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qarixii 14 Bishaan ka dhacay Magaalada muqdisho kaas oo geestay dhimashada in ka badan 300, oo Ruux.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in dhibaatadii dhacday ay aheyd Musiibo ay dad anaga nala mid ah oo Wadankeena dhex jooga ay masuul ka yihiin kuwaas oo dano gaar ah leh.

Dhinaca kale Maxamed Cabdi Waare ayaa yiri “War wixii dhacay waa musiibo aan anaga dhexdeena isku geysanay iyo in aan anaga isku mashquulnay xaqiiqdii war waxba nooma taraayo in aan qeylino oo an baroordiiqno basle waxa ay u baahan tahay in siwadjir ah Culumo iyo dowladba ay ula dagaalamaan dadka cadawga ku ah Shacabka ee Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay”.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO