DHAGEYSO:- R/wasaaraha JFS Kheyre oo iclaamiyay dagaal baaqna u diray in dhalinyarada ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Shabaab

1

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu sheegay Dowladda Federaalka marnaba in aysan raali ka aheyn in la laayo Hooyooyinka iyo Aabayaasha Soomaaliyeed, taasi bedelkeeda ayuu dhalinyarada ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan Dagaal ka dhan ah Shabaab.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya muhiim in aysan aheyn in Madaxda iyo siyaasiyiinta ay mar walba isku mashquulaan oo ay is qabsadaan, dhalinyaradana keliya ay soo gurmadaan marka uu dhib dhaco, si taasi looga gudbo ayuu sheegay in marka horeba isku duubnaasho la helo, si guulo loo gaaro.

Khayre ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu soo jeediyay Sabtida wixii ka dambeeya dalka inuu geli doono xaalad dagaal.

Wuxuu kaloo sheegay Khayre in Madaxweynaha uu isugu yeeray Baarlamaanka labada Aqal maalinta Sabtida ah, isaga oo u sheegi doona in dalka uu galay xaalad dagaal, oo isaga uu ugu horeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay hal wado oo keliya in ay furan tahay, taasi oo ah inaanan mardambe la aqbalin in la laayo Gabdhaheena, Wiilasheena iyo inaanan aqbalin in nala xasuuqo.

Xasan Khayre ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gurmad Qaran oo maanta Qado sharaf uu u sameeyay ayuu ugu baaqay in sida hada ay isugu duuban yihiin ay isugu xirnaadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ugu dhawaaqay in dalka uu galay xaalad Dagaal, taasi oo ilaa hadda aanay soo kordhin wax isbedel ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa dhagaha u taagaya go’aankan mar kale ka soo baxay Madaxda Qaranka.

Comments are closed.