Booliska Kenya oo lagu eedeeyay in ay geysteen tacadiyo ka dhan ah Suxufiyiinta

0

Hay’adaha u dooda Xuquuqda aaadanaha ayaa ku eedeeyay laamaha Booliska ee Kenya in ay Xad gudubyo kala duwan ka geysteen dalka kadib Doorashdii dhacday Bishii Sideedaad.

Warbixin shalay oo Isniin ah ay si wadajir ah u soo saareen Hey’adaha Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa lagu sheegay in laamaha Booliska ay casbi galiyeen Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta gudaha kuwaasi oo howlahooda shaqo watay.

Hey’ada Difaacda wariyeyaasha caalamka ee loo yaqaan CPJ ayaa dhankeeda sheegtay in 10 Wariye ay laamaha amniga dalka Kenya ay cabsi galiyeen kuwaasi oo isku dayay in ay warbixino ka soo tabiyaan Magaalooyinka ay dibadbaxyado ka socdeen.

Dhanka kale Hey’adaha Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa ku eedeyay Booliska Kenya in ay Toogteen 50 Ruux oo ka mid ah Taagerayaasha Mucaaradka tan iyo sagaalkii bishii August halka Kufsi iyo Jirdil loo geystay Haweenka Ku dhaqan Magalada Nairobi iyo ismaamulada ku yaalla Gobolka Nyanza.

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Wasiirka Waxbarashada Mr Fred Matiangi ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay balse waxa uu sheegay in ay jiraan kooxo qaswadayaal ah oo ay Booliska Toogteen.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Kenya Mr Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay hadal ka soo baxay Safiirada Reer Galbeedka ee ku sugan Magaalada Nairobi oo ahaa in dalka Kenya uu wajahayo xaalad Siyaasadeed balse Mr Kenyata ayaa arintaas ku shubay biyo qabow waxa uuna sheegay Dhibaatada ugu daran ee dalka wajahayo kaliya ay tahay Hoggaamiyaha Mucaaradka Mr Raila Odinga oo uu ku eedeyay in uu hurinayo qalalaase siyaasdeed oo dalka Ka dhaca.