TOP DHAGEYSO : Camey oo Beeniyay inuu Taageero Lacageed Ka Helay Xukuumadda Soomaliya.

0

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo maalmihii dambe ku sugnaa dalalka Zambia, iyo kenya islamarkaana dib ugu laabtay Puntland ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa, arrimo la xariiray mowqifkiisa shirkii  MagaaladdaKismaayo iyo qaabka warbaahintu utabisay warar sheegayay inuu taageero lacageed ka helay xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Eng Camey oo saxaafadda kula hadlayay Magaaladda  Garoowe, ayaa beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay lacag xilli uu sii maray Muqdisho kahor intuusan tagin magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya .

“Waxyaabo faro badan bay ila tahay ayaa miidiyadu sheeg sheegaysay, waxaan cadaynayaaa inaysan jirin cid aan kula kulmay Xamar sii socodkii iyo soo socodkii, lacag la i siiyay oo markaa uga baahnaa dowladda Federaalka Soomaaliyana inaysan jirin,” Ayuu yiri Camey.

Camey ayaa sidoo kale beeniyay inu aqoon u leeyahay Fahad Yaasiin Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaliya islamarkaana aysan jirin xiriir labadooda dhex maray. Mar uu ka hadlayay sababta keentay in lagu shaabadeeyo inuu lacag ka qaatay dowladda Soomaliya wuxuu ku macneeyay mowqifkiisa Shirka Kismaayo.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey inuusan jiri doonin fasax dambe uu u qaadanayo inuu la kulmo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay casuumad u fidisay maamul goboleedyada, si looga xaalo arrimaha taagan isagoo ugu baaqay inay laga shaqeeyo midnimada dalka.

Camey ayaa dhawaan kasoo horjeystay shirkii kusoo dhamaaday magaaldda Kismaayo ay yeesheen madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda dalka ka jira.

HOOS KA DHAGEYSO :