WARBIXIN:- AQOON YAHANADII IYO SHACABKII PUNTLAN OO XABSI KU MUTAYSANAYA TAAGEERIDA DAWLADA SOOMAALIYEED.

0

Shacabka ku nool deegaanada puntland oo ah shacab lagu yaqiin taariikh ahaan in ay had iyo jeer u guntanaadaan dawlad nimo iyo qaranimo soomaaliyeed,ayaa aamin san in ay ka shaqeeyaan nabada puntland iyo soomaaliya oo dhan oo hesha nabad iyo nolol iyo dawladnimo iyo kala danbayn buuxda. Puntland siyaasadeeda iyo hadafkeedu ma ahayn halka loo leexiyay ee ah kala qoqob naan soomaaliyeed iyo horseed ka noqosho in dalka soomaaliyeed helin dawlad dhexe oo xoog leh oo dalka difaacda sida bad, cir iyo bariba gayiga soomaaliyeed.

Puntland markay dagaanadeeda kasamaysay amaan iyo kala danbayn iyo maamul hayeeshee soomaalidii kalana ay uugu baaqday in ay iyana gobol walbaa soo dhiso daagaankiisa maamul si qaab fadaraal ah macnaheedu waxa uu ahaa qaabka uugu dhaw ee dalkeena dib loogu soo dabaali karo dawladnimadii inaga burburtay.Waa baadi goob soocelintii hanaankii dawladnimo ee soomaaliyeed.maha qaabka khaldan ee waayadan danbe loo turjumay ee la nooca ah qabqablayaashii MOQDISHO waayo ka jiray amba waxaan uugu yeero YALAXOOW SYSTEM.oo ah qof aan kala garanayan maxaa xalaal ah maxaase xaraan ah? maxaa dawladi tahay maxaa dawlad la aani tahay? maxaa soomali dan u ah maxaan dan u ahayn? dil kaad ka xoog roontahay,dhac,kufso,looma oo yaan.looma dhama,anagaa mudan,xeeyihiin,xawyahay? dawlad marabno,itoobiyaa wadato,ameerikaa karoon,emaraadka iyo khaliijkaa wato,kuwa noocaan u fakara ee dalka u diidan dawlad nimada noocoodii ayaa ka muuqda puntland maanta.

Dalka soomaaliya waa ka dhamaaday YALAXOOW SYSTEM waxa uuna maryaa dawlad rasmi ah oo ilaalisa shuruucda dalku uu leeyahay,sharafka dawladnimo,amaanka iyo dhaqaalaha dalka oo aan lagu tagri falin.dawladaan oo ah curdan shaqo wanaagsan oo loowada riyaaqay u haysa umada soomaaliyeed oo iyadoon waxbaba jirin hada durba soo celisay haybadii umada soomaaliyeed ay caalamka ku lahaayeen oo loowada jeedo.Nin cadaado fadhigiisu ahaa maamul jirana aan ahayn dastuuriyan iyo dhab ahaanba oo xasansheekh shalay yiri waa dawlad goboleed isagoon danba kalahayn sharciga u yaala dalka oo dastuurka ah kaasoo dhigaaya laba gobol iyo wixii kabadan ayaa noqon karo dawlad goboleed,si uu cod uuga helo oo kaliya inta dhawr nin lacag siiyay yiri waxaatihiin galmudug cabdi kariin baana idiin ah madaxwayne oo mudo yar kadib ileen dadku waxaan jirin marabaana iska cayriyeen,hadna ninkan waayeelka ah ee qaadka meheradiisu tahay layiri waa madax wayne oo sidi si lamid ah laysaga cayriyay oo loo wada jeedo in PUNTLAND ay kaa raacdo xaq iyo nidaamna u aragto taabadalkeedana ay ka hortimaado madaxwaynihii dalka xukumay oo soomaali dooratay waa nasiib daro iyo ihaano laga galayo shacabka puntland iyo umada soomaaliyeedba.waana hanaan mooryaanimo oo ka fog ilbaxnimo iyo dawlad nimo.

Shacabka wadaniga ah ee puntland qowleeysato burcad ahi kama hor istaagi karto hadafkooda ah inay soo celiyaan oo garab iyo gaashaanba hor seed uugu noqdaan sidii dawladan jirtaa u hanan lahayd guud ahaan dalka soomaaliyeed oo lee heli lahaa nidaam iyo dawladnimo.Aqoon yahanada iyo shacabkan lagu jirdilayo ee xabsiga lagu gurayo maxaad dawlada soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay MOGDISHO u raacaysaan waa dawdaro iyo dulmi iyo dikteeytarnimo lagu hayo shacabkaa xalaasha ah.in dadkii laga horjoogsado dawladoodii waa dulmi cad.cabsida iyo caga jugalaynta xadhiga iyo bahdilka lagu hayo shacbka puntland wax laga ma caashayaa majirto.aqoon yahanadii,odayaashii,rag iyo dumarba waa la argagax galiyay mana cabiri karaan si xor ah waxay aamin sanyihiin mana u xor aha inay dawladooda taageeraan iyo madaxwaynahooda FARMAAJO!!!

Shacabka puntland ma garan karaan danta ku jirta dabagalka HIRAAB DAWLADIID oo hada kaba masayrsan sidee BEESHA MURUURSADE looga dhigay raysal wasaare waayo HIRAAB DAWLAD DIID ayaa kamudan!! oo leh madaxwayne farmaajo waa rabnaa laakiin muruursadahaan diiday. mana garanayno meel ay ku qorontahay iyo goor lagu he shiiyay in beelaha soomaaliyeed lakala fadilo oo qaar xaq u leeyihiin xukunka dalka qaarna aysanba gayin xaqna u lahayn taasoo lagu muu jiyay JABHADII KISMANYO LAGU DHISAY EE AHAYD KALA MAAN.

Puntland maamulkeedu waxa uu ku qanacsan yahay kuna faraxsan yahay in uu garwadeen u noqdo iyo hogaamiye JABAHADAA KISMANYO EE KALA MAAN!! isagoo isleh ku tijaabi bal in ay idiin marto in dawladan aad mashquulisaan oo haday dabacdo curyaamisaan oo hir gali waydo halkaana soomaaliya ku wado dawladnimadii ay shacbka soomaaliyeed u oo manaayeen mudada dheer. dhab tuse waxay tahay in uu meel cidla ah fadhiyo caawa!! garigo an cidla ah in uu Dr Gaas yuururo ayaa cad waxaana intaa u dheer danbiga uu dalka ka galay ee wali uu faraha kula jiro.

Gunaanad

Shacabka puntland waa aragnaayo xabsi iyo dilbaa lagu hayaa ah maxaad u rabtaan dawladnimada soomaaliyeed oo aad u taageeraysaan farmaajo iyo khayre?waxaan aragnaa cida ay maamulka puntland taageerayaan nooca ay tahay,waxaan aragnaa jabahada kismanyo kala maan u jeedkeeda guracan,Laakiin waxaan idiin ka digaynaa in aad ka waan toowdaan kala dhex galka shacbaka puntland iyo dawladooda ay jecelyihiin raacsan yihiin ee soomaaliyeed lagamana hor yimaado rabida shacabka.Tani waxay keenaysaa oo aan hubaa in xafiisyada laydiinku soo daadanayo oo gacan lay idiin la imanayo shacabki gadoodsan oo dawlad la aan ah mudo 30 sanadood ah oo markay maan deeq u curatayna aad ka gaagixinaysaan idinku.waxaa axdi iyo balan iyo wacad aan ku maray anagoo ah wadaniyiin iyo shacabkii soomaaliyeed dawladaa cadaalada ah ee soomaalida ah ee maanta noo dhalatay ninkii ka horyimaadaa in aan mudankiisa marsiino.waana waajib diiniyan ah in aan cagta marino.waayo waxaan rabnaa soomaalinimo,waxaan rabnaa dawlad shaqaysa oo xoogleh oo dalka oo dhan ka talisa,dib u laaban mayno dadkuna waa uun laba midood DAWLAD DOON soomaali ah IYO DAWLADIID qabiil ah iyo shaydaan shisheeye dakhuulo. xabsiga lagu gurayo shacabka soomaaliyeed ee dagan puntland waxay ka dhigan tahay xiligii xoriyada aan u dagaalamaynay iyo S.Y.L waana shihiid qofkii u dhinta garaaca iyo xabsiga iyo jirdilka Dr gaas ku hayo.

Xataa wax kalaba daayo waxay maxaabiistaa u diideen qaar xanuun sanaa in dawooyinkii ay qaadan jireen loo geeyo,waxay u diideen in ehelkood arkaan oo wax ka ogaadaan xaaladooda guud.waxyaabahasna mulim iska daayee xataa gaalada ayaan u diidin maxbuuska.dadkan xabsiga lagu jidh diliyo mahaystaan wax looyar ah,majiraan maxkamad iyo meel ay mareen.waana nasiib daro balse dhawaan laga bixi doono inshaa allaahu tacaalaa.

 

W/Q: Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com