DHAGEYSO+SAWIRRO:- Banaabax looga soo horjeedo shirkii Kismaayo oo ka dhacay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

0

Wararka naga soo gaaray saaka degmada garbahaarey ee gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo shirkii dhawaan madaxda maamul gobaleedyada ee dhawaan kusoo idlaaday magaalada Kismaayo

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dadweyne aad u fara badan ayaa ka qeyb galay banaanbaxa,waxaa ayna sheegeen inay aad ugu xun yihiin shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada kismaayo ee laga soo saaray ku dhawaad ilaa iyo 16 qodob.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah dadka banaanbax soo qaban qaabiyay ayaa waxaa ay la hadleen Warbaahinta gudaha dalka ,waxaa ayna sheegeen inaad ugu soo horjeedaan banaanbaxaasi,islamarkaana aysan dulqaadan Karin madaxda maamul gobaleedyada ay shirk u yeeshaan magaalada kismaayo,islamarkaana ay ka soo horjeestaan dowlada.

Isku soo wada duuboo ma aysan jirin wax masuul ah oo ka tirsan maamulka degmada garbahaarey ee gobalka gedo oo ka qeyb galay Banaanbaxaasi looga soo horjeedo maaxda maamulka gobaleedyada dalka,maadaama dhawaan shir uu ugu soo dhamaaday magaalada kismaayo ee gobalka jubbada hoose.

HOOS KA DHAGEYSO