DHAGEYSO WAREYSI : Wadahadalo U Bilaawday Madaxda Iskhilaafsan Ee Maamulka Galmudug

0

Shalay geleinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa ka bilaawday wadahadalo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ku xigeenkiisa iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Warsame Beyraqo ayaa sheegtay in wadahadaladaas ay yihiin kuwo Gooni Gooni ah kuwaas oo ka socda Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaaladaa Cadaado.

Waxa ay sheegtay in ay rajo wnaagsan ka qabto in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug ay xal ka gaari doonaan, maadaama haatan si iskood ah ay u wada kulmayaan.

Waxa ay hadalkeeda ay intaas ku dartay in mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ay labada dhinac u kala safteen taas oo ah mid aan wanaagsaneyn isla markaana isla xisaabtan uu jiri doono.

Xaaf ayaa horay u sheegay in Maamulkiisa ay faragelin ku hayaan Madax ka tirsan xukuumadda Soomaaliya balse ay xildhibaanada qarkood sheegeen in ay xilkii ka qaadeen walow uu weli sheegayo in uu yahay Madaxweynaha Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanad Caasho Beyraq