FAALLO:- Suldaan Shaaciye Maxamed Ciise “Aalatahay Madaxweyne Cabdiwali”.

0

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ahayd “Hashu ayadaa geela cunaysa ayadaana cabaadeysa”.

Walaalkay Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland waxaan heshiis ku ahayn inaan horumarino maslaxada Puntland gacan bir ahna lagu qabto cidkasta ee qalqalqalinaysa amniga iyo midnimada maamul goboleedka Puntland, balse heshiis iyo qaraabo kuma aanaan ahayn in uu si qalbi caruurnimo ah isugu dayo in uu marooqsado ama inqilaabo awooda Madaxweynaha, Xukuumada iyo Golayaasha Sharci Dejinta ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Waxaase igala sii yaab badan ee tusaale u ah ayaandarada ku habsatey Soomaaliya afarta madaxweyne ee kale, wasiiradooda, la taliyayaashooda iyo mas’uuliyiinta kale maamuladooda ee shirka ka qayb galay ee aan fahmin shirqool caruureedka ka fashilmay madaxweyne Gaas iyo caruurtii kale la abaabushay inqilaabka dhalaanimo ee kashifmay.

Hadaan dib ugu noqdo dulucda maahmaahda soomaaliyeed:

*Maamul goboleedyadu waa ayaga kuwa diidan inay u hogaansamaan sidii loo soo celin lahaa qaranimadii, madaxbanaanidii iyo midnimadeenii Soomaaliya.

*Allaah ayaa mahad oo dhan u sugnaataye ka dib markuu noo aqbaley baryadeenii badneyd ee naxariistii Allaah noo bilaamantey ee ay dowladnimada Soomaaliya hogaanka u qabteen Madaxweyne, Xukuumad iyo Golayaal Sharci Dejin ee ay ka go’an tahay inay si daacadnimo, hufnaan, karti, aqoon, jaceyl, muslimnimo, wadaninimo iyo soomaalinimo ku dhisan ay dar Allaah wax ugu qabtaan dalkooda, dadkooda iyo diintooda, miyaaney ahayn hogaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo xubno aan badneyn ee ka mid ah Golayaasha Sharci Dejinta kuwa lugaha ku dhegan ama sida joogtada ah u dhabarjabinaya dowlada noo dhalatey ee curdanka ah?

*Miyaaney ahayn hogaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo dhowr xubnood oo ka mid ah Golayaasha Sharci Dejinta kuwa ay adeegsanayaan cadowga Soomaaliya ee laaluushka lagu siinaayo sidii ay u damin lahaayeen iftiinka yar ee noo baxay una curyaamin lahaayeen dowladeena curdanka ah?

*Yaabnaye hadana soo isla ayagii ma aha kuwa ka cabanaya dowlada curdanka ah ee aan weli sanadka buuxin ee warmurtiyeedka aad akhriseen ama aad maqasheen sida wada jirka ah u wada saxiixay iskuna raacay inay ku kacaan inqilaab caruureedka fashilmay?

*Waxaan ku soo gabagabeynayaa kalmad sarbeeb fog ah ee aan isticmaalno hadaan nahay reer Puntland “aalatahay madaxweyne cabdiwali”.

Wa billaahi towfiiq.

Soomaaliya Allaah ha guuleeyo aamiin.

W/Q: Suldaan Cabdulcasiis Muxammad Ciisadheere (Shaaciye).