WAR DEG DEG AH: Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo iscasilay

0

Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa ku dhawaaqay maanta in uu iska casilay xilka Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa waraaqihiisa iscasilaada waxuu horgeeyay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska R/wasaare Kheyre ayaa xaqiijinaya in Wasiirka uu arrimo shaqsi isku casilay.

Shirka Golaha Wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa laga sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga uu is casilay.

Ilaa iyo hadase lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa in iscasilaada Wasiirka Gaashaandhiga