TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo sare u qaadeysa Waxbarashada

0

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in ay dhisto iskuul weyn oo loogu tala  galay in ay wax ku bartaan Ardeyda Naafadda ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasaaradda waxbarashadda in ay qaadan doonto 500 oo macalin.

Wasiirka ayaa tilmaamay in macaliintaasi ay ka shaqeyn doonaan Muqdisho iyo sidoo kale gobolada Soomaaliya , islamarkaana si weyn loo ballaarin doono hanaanka waxbarashadda.

Macalimiintaasi ayuu xusay in si lacag la’aan ah ay wax ku bari doonaan ardeyda.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday qorshayaal lagu horumarinaayo hanaanka waxbarashadda Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO