TOP DHAGEYSO:- Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Ciidamada Somaliland oo is Casilay

0

Kadib markii uu shir Jaraa’id Maanta Warbaahinta uu u qabtay ayuu shaaciyay in uu iska casilay xilkii ahaa taliyaha Ciidanka Dab demiska Gobolka Togdheer ee Maamulka  Soomaliland.

Iimaan Maxamuud Ibraahim ayaa sababaha iscasilaadiisa waxa uu ku sheegay in ay tahay in sababta xilkaan loogu dhiibay ay aheyd in uu ololo u sameeyo xisbiga Kulmiye balse aysan muuqan sababo uu ugu Shaqeeya Qaranka sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Arrintaan uu horay uga digay Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, balse xilkeyga la igu maamulay si aan ugu ololeeyo Xisbiga Kulmiye.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay madaxda kale ee heysa xilka in aysan olole u muujin xisbiyada kale balse ay noqdan kuwa u Shaqeeya Qarankooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO