TOOS U DHAGEYSO WAREYSI : Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Haweeney Ku Dilay Degmada ………

0

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada dowladda ruux shacab ahaa uu ku dilay degmada Balcad ee Gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.

Goobjooge ayaa sheegay in ruuxa la dilay ay ahayd Haweeney uu magaceeda ku soo gaabiyay Cabdiyo, kuna Ganacsan jirtay Xaafada Horseed ee deegaanka Xawaadley oo hoos tagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana uu tilmaamay in Askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday, balsé markii dambe ciidamada ammaanka degmad Balcad ay goobta soo gaareen, kuwaasi oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Balcad oo ku aadan dilka Haweeneydaasi, balse waxaa haatan deegaanka Xawaadley ka socdo baaritaano xoogan oo ay wadaan ciidamada ammaanka, kuwaas oo ku raad jooga Askarigii dil geystay.