FAALLO:- SOOMAALI IYO FEDERAAL MAXAA KALA HAYSTA?

0

Maaha markii ugu horeysay ee aan dadkayga Soomaaliyeed uga digay nidaamka Federaalka ee naloo sameeyey ,ilayn kuma heshiin Soomaalidu in ay qaadatee,mararbadan baan wax ka qoray in aan uga digo dadkayga Soomaaliyeed ,cidda noo samaysay oo ah cadawga dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo inuu yahay qaybi oo xukun,runtii waan ku daalay in aan dadkayga Soomaaliyeed mahansiiyo dhibaatada halkaas kaga soo fool leh,laakiin waxaa igu kalifay mar kale in aan qalinka qaado oo ka hadlo arimaha hoose:-

-Qaylada ka soo yeertay Boosaaso iyo garoowe oo looga dhawaaqay Gudiga Smatabixinta Puntilaand.

-Bamka ka qarxay Cadaado oo qarka u saran in la laayo inta xaq u dirirka ah.

-Isbedelka ay sameeyeen reer Hirshabbeelle markii ay arkeen in a haadaan ku soacdaan oo ay isdaba qabteen.

-Qaylada ka aloosan K/Galbeed oo ay dareemeen in masiirkooda bohal lagu ridaayo lana dhaxalwareejinaayo.

-Gadoodka ka biloowday Jubalaand oo Kismaanyo ku kala guuray oo qaybka mid ah Dooloow Saldhig ka dhigteen.

-Shirka Kismaanyo ka dhacay oo Madaxwenayaasha arimaha sare ayagu Abuuray cabdisi gelisay u raadinayaan cid kale oo dhibaatada qusha u saaraan ,ayyaga oo qabyaaladaynaaya ,maaddaama federaalku qabyaaladeysan yahay.si ay musuqmaasuqa ay shisheeyaha la galeen u xalaaleystaan iskuna garabsiiyaan qaa,inuwadaninimada ay ku wada jiraan inta badani.

Intaas markii aan arkay waxaa ii soo baxday in aan dareenka wadaniyadu ka dhiman Dadkayga Soomaaliyeed ee ay jiraan kuwo weli ehel u ah dalka ,iney ilaaliyaana u taagan.

Sidaas awgeed Soomaaliyee aaniga iyo kuwo kale oo badan oo aan wax dan ah dooneyn,xil ma rabno ,shisheeyana shilimo kama qaadan,waxaan idiin sheegayaa waa halkii u denbaysay oo ah ku day,waa xeeshii shisheeyaha oo kubadii ay cayaareen mareyso kama danbays,waxaana guusha uga hartay sida ay uga Jawaabaan shacbiga Gobolada shirka Kismaanyo ku was oo horay la kala qaybsaday,oo xooggoodii iyo dhaqaalahoodii la kala geeyey ,si ay u fududaato in dalku baylah u noqdo dhagarta shisheeyaha.

Isku soo wada duub qodobka 14 naad ee bayaanka ka soo baxay shirka Kismaanyo ee madaxweynayaasha naloo sameeyey ee faraha badan ,in kasta oo dhammaaan qodobadu u daneyneen shacbiga soomaaliyeed ee ay yihiin kuwo u adeegaya cadwga dalka ,magaxweynayaashuna isku badbaadinayaa haddii shacbiga taageero uga helaan ,haddana qodobkaa waxaa iiga soo baxay arimahaan:-

-Waxaa meesha laga saarey Golaha shacbiga iyo aqalka oo ah hay,ada ugu sareysa dalka iyo dejinta iyo ilaalinta sharciga.

-Waxay laaleen in dalku yeesho Dastuur dhameystiran oo cid walba qaban ,kalana xadida awoodaha masuuliyiinta qaranka.

-Waxay gabi ahaan meesha Ka saareen awooda Golaha wasiirada ee golaha fulinta Maamulka Dalka.

-Intaas waxaa la mid ah Golaha Garsoorka oo haddii hayadaha kale dalku ayyan shaqayn ayyaguna sidaas meesha ka baxaaya waayo,sharcigii iyo haya,dahii dhammaan waa fadhiid maxayba garsoorin.

Aaan ku soo gabagabeeyo rajada iyo isdaba qabashadu waxay ku xiran tahay jawaabta ay ka bixiyaan shacbiga gobaladu,waxaan kale oo xasuusinayaa xildhibaanada Maamulada gobolada in ayyaga dadku soo doortay oo a wakiil ka yihiin,halka ay masiirka ummadda dhigaana Alle kula xisaabtamaayo.

Wabilaahi Tawfiiq,

W/Q: Cabdullaahi Jimcaale Faaarax
London, UK