DHAGEYSO:- Waqtiga loo qabtay Guddiga loo saaray kiiska Qalbi-dhagax oo maanta ku beegan

0

Guddigii loo xil saaray kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF oo bishii Augusto ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in warbixin ku aadan baaritaankooda u gudbiyaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Guddigan oo la magacaabay 18-kii bishii September ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana Guddoonka uu u xil saaray inay baaritaan ku soo sameeyaan kiiskiisa iyo qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishii September, iyagoo la kulmay dinacyo kala duwan.

Warbixinta Guddigan ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah, taariikhduna tahay 10 October u gudbiyaan Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka, waxaana la filayaa in warbixintaas in la horkeeno Xildhibaanada golaha shacabka, si ay go’aan uga gaaraan, ugu dambeyn cod u qaadaan.

Kulamada guddigan ay yeelanayeen mudadii ay baaritaanka wadeen ayaa ahaa mid aan waxba lagala socon, isla markaana saxaafada ka war heyn.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa horay ugu dalbaday Guddigan in kama dambeyn ay warbixintooda baaritaanka u soo gudbiyaan Xafiiska Guddoonka 10-ka bisha October oo maanta ku beegan.

Dad badan ayaa isha ku haya warbixintan iyo sida ay noqon doono, waxaana Kiiskii Qalbi Dhagax uu ahaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lugaha la gasho, kaasoo la rumeysan yahay in taageero badan ku lumiyeen.

HOOS KA DHAGEYSO