DHAGEYSO : Ciidamada Itoobiya Oo Qarax Lagula Eegtay Duleedka Degmada Waajid

0

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya Qarax Miino lagula eegtay duleedka degmada Waajid ee Gobolkaasi Bakool.

Waxaana qaraxa kadib halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qarax xoogan lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanka Buurdhuxulle iyo degmada Waajid ee Gobolkaasi Bakool.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa waxaa ay barahooda Internetka ku shaaciyeen in askar ka tirsan ciidanka Itoobiya ay ku dileen weerarkaasi, inkastoo aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ay dileen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo ku aadan qaraxaasi.

Balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro jid gal ah ku qaada ciidamada AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Gobollada Baay iyo Baakool.